Madaxda Puntland iyo Jubaland oo aan weli gaarin Xerada Afisyooni xili uu furmay Shirka

Published: March 22, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka kaasoo ka furmay xerada Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni.


Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan weli gaarin Goobta shirka iyadoo shaki la galinayo ka qeybgalkooda shirkan.

Waxaa Muuqata in weli dhinacyada aysan weli isku soo dhawaan maadama shirkan uu yahay isku daygii ugu dambeeyay ee looga gudbi lahaa ismaandhaafka siyaasadeed ee taagan.

Wasiirka arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto ay horseedi karto fashil ku yimaada qabsoomiddiisa xili xalay la baahiyay Ajanadaha shirkan.


Waxa uu tilmaamay in Puntland ay ku hanweyn tahay in dhammaan Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ka heshiiyaan duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorasho wada oggol ah, si nabad ahna ku dhacda.

Si kastaba Wakiilada Beesha caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis iyo dadaal xooggan ku bixiyay sida dhinacda ay isugu imaan lahaayeen shir lagu soo afmeero khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo dhaaftay xiligii loogu talagalay.

Lasoco Wixii kusoo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *