Madaxweyne Deni Oo Cafis U Fidiyey Wariye Kilwe Aadan

Published: March 22, 2021

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyey wariye Kilwe Aadan Faarax oo ku dhowaad 100 maalmood ku xidhnaa magaalda Garoowe.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu cafiyey wariye Kilwe Aadan oo kamid ah suxufiyiinta Puntland, kaas oo ay maxkamada ciidamadu ku xukuntay 3 sanno oo xarig ah, iyadoo lagu waayey wax danbi ah.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad

Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *