Philippine: Hogaamiyihii kooxda Abu Sayyaf oo lagu dilay hawlgal militari

Published: March 22, 2021

Ciidamada Mariiniska Filibiin ayaa sheegay hawlgal ay ka sameeyeen koonfurta dalkaasi habeenimadii Axadda ay ku dileen hogaamiyihii kooxda Xagjirka ah ee Abu Sayyaf, waxaan hawlgalkaasi lagu soo badbaadiyey dad shacab ah oo u dhashay Indonesia oo ay kooxdaasi afduub u heysatay.

Shan muwaadiniin u dhashay dalka Indonesia oo ay kooxda Abu Sayyaf muddo 1 sano ah afduub u heysteen ayaa la sheegay in nolol lagu soo badbaadiyey. Mid kamid ah dadkaasi afduubka loo heystay ayaa ahaa wiil 15 sano jir ah.

Hogaamiyaha kooxda Abu Sayyaf oo lagu magacaabay Majan Sahidjuan ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal uu la galay ciidamada, kooxda Abu Sayyaf ayaa muddooyinkii danbe ganacsi ka sameeyey afduubka dadka shacabka.

Abu Sayyaf oo saldhigoodu yahay jasiirada Sulu ee koonfurta Filibiin ayaa sheegay inay kamid noqdeen shabakada kooxaha hoostaga Daacish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *