Republic of Congo: Hogaamiyihii mucaaridka oo geeriyooday maalin kadib doorashadii!

Published: March 22, 2021

Hogaamiyihii ugu awooda badnaa mucaaridka dalka Republic of Congo, Guy Brice Parfait Kolelas ayaa u dhintay cudurka Covid19, maalin kadib markii ay dhacday codbixintii doorashada wadankaasi.

Guy Brice Parfait Kolelas oo uu ku dhacay cudurka Covid19 ayaa loola cararay dalka France halkaasi oo uu Axadii shalay ku geeriyooday.

Hogaamiyaha mucaaridka ayaa kahor intuusan dhiman filim uu kasoo duubay isbitaalka isagoo sariirta saaran ugu baaqay shacabka iyo taageerayaashiisa inay codkooda dhiibtaan si dalkaasi isbedal uga dhaco.

Walow in badan oo kamid ah taageerayaasha mucaaridka ay sheegeen in nidaamka loo diyaariyey doorashadaasi la musuq maasuqay.

Denis Sassou Nguesso, Madaxweynaha dalkaasi soo hogaaminayey 36dii sano ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay inuu si weyn u musuq maasuqay codbixinta, iyadoo la xiray qaar badan oo kamid ah goobihii codbixinta deegaanada ay ku badan yihiin taageerayaasha mucaaridka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *