Midowga Yurub: Kuwa Wax u dhimaya wadahadalka Doorashada Soomaaliya ama adeegsanaya Rabshado waxay la kulmi doonaan…

Published: March 23, 2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa si adag loogu baaqay dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda in ay qabtaan howlaha waajibaadka ka saaran hirgelinta doorashooyin si deg deg u dhaca.

Qoraal ka koobnaa dhowr Bog oo ay soo saareen xubnaha Midowga Yurub isl markaana ay ka muuqatay digniin loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ayaa lagu xusay in hogaaamiyayaasha Soomaaliya ay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geedi-socod doorasho oo deg deg ah iyo awood wareejin nabadeed, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii Sebtember 17.

“Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u ragaadinaysaa xawaaraha isbeddelada sida degdegga ah loogu baahan yahay, ee loogu waxyeeleynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, Kuwii wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa loo soo bandhigi doonaa tallaabooyin waxayna la kulmi doonaan cawaaqibka ficilladooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha iyaga oo eegaya waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed.

“Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah waa inay sharfaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *