USA: Weerar ka dhacay gobalka Colorado oo lagu dilay 10 qof

Published: March 23, 2021

Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob ganacsi oo ku taal magaalada Boulder ee gobalka Colorado, ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarkan geystay.

Illaa iyo hada waxa la xaqiijiyey in 10 qof ku dhinteen weerarkan, waxaana kamid ahaa askari booliis ah oo u gurmaday dadkii ku sugnaa xaruntaasi ganacsiga ee la weeraray.

Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu ku hubeysnaa qori, ninkan oo dhaawac ah ayaa hada la baarayaa sababta uu weerarkan u fuliyey.

Qaar kamid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in ninkan si gaar ah u bartilmaamsaday goob ay ku sugnaayeen dadka qaadanayey daawada Talaalka Covid19.

Hase yeeshee maaha markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lagu qaado goobaha ganacsiga ee dalka Maraykanka, weeraradan oo ay inta badan geystaan cadaanka xagjirka ah ee Maraykanka.

Todobaadkii hore ayaa weerar noocaan oo kale oo ka dhacay magaalada Atlanta ee koonfurta dalka Maraykanka lagu dilay 8 qof.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *