Booliiska Puntland oo beeniyay xarig loo geystay Gabar Dambi Baare aheyd

Published: March 24, 2021

Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xariga Deggen Maxamed oo aheyd dambi-baare ka tirsan Booliiska Puntland taasoo la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Garoowe.

Taliyaha saldhiga bartamaha ee magaalada Garoowe Dhame Cawil Maxamed Cilmi ayaa sheegay in ay sal iyo raad toona lahayn wararka la baahiyay ee ah xariga gabadha Booliiska ka tirsan hase ahaatee lagu sameeyay shaqo ka fariisan.

Dhame Cawil Maxamed ayaa sidoo kale beeniyay in Gabadha Baaraha ah loo xiray sababo la xiriira kiis kufsi oo ay gacanta ku haysay.

“Dagan waa baare ciidanka ka tirsan ,sharciga ciidan qabto ayaa iyadana qabtay amar baa lagu siiyey inaysan saldhigga imaan hadey timaadana la xiraayo ,taliyaha qaybtaana bixiyey in la xiro ” ayuu yiri sarkaalkan ciidanka u hadlay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *