Dibadbaxyo lagu soo dhaweynayo Janan oo ka socda Beledxaawo

Published: March 24, 2021

Dibadbaxyo lagu soodhaweynayo Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirka Amniga jubaland ayaa ka soconaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Shacabka magaalada Beledxaawo ayaa iskugu soo baxay xaafadaha magaalada Beledxaawo kuwaasoo wata halkudhigyo ay kusoo dhaweynayaan Cabdirashiid Janan.

Saacado ka hor ayuu soo shaac baxay warka kusaabsan heshiis dhexmaray Cabdirashiid Janan iyo dowlada Federaalka waxaana tan iyo shalay ka socday magaalada Beledxaawo diyaargarow lagu soo dhaweynayo Janan iyo Ciidamada daacada u ah.

Ilo xog ogaal ah oo aan helnay ayaa tibaaxaya in masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka iyo taliyeyaal ciidan ay ku wajahan yihiin magaalada Doolow ugana sii gudbayaan magaalada Beledxaawo si ay ula kulmaan wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweynayo magaaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *