Jubaland oo xilkii ka xayuubisay Cabdirashiid Janan

Published: March 24, 2021

Maamulka Jubaland ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa wasiirkii amniga maamulkaasi.

Wareegto goordhawayd kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu xilka qaadis ku sameeyay Wasiir Cabdirashiid Janan inkastoo faahfaahin aan laga bixin xilka xayuubinta.

Xilka qaadista uu madaxweynaha Jubaland ku sameeyay Janan ayaa imaanaysa iyadoo wadahadal heshiis ah uu dhexmaray Cabdirashiid Janan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhirso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *