UNSOM: ” Ma taageeri doono doorasho hal dhinac ah”

Published: March 24, 2021

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joogo xiligii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yeelan lahaayeen Shir wadatashi ah oo heshiis looga gaarayo khilaafka doorashada, maadaama dhammaantood ay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.

Waxay si cad u sheegtay in aysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hor.

“ Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka.”

Qaramada Midoobay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *