Banaanbaxii Dhahar: Mudaharaad Mise Weerar Saldhiga Booliiska? – Video

Published: March 25, 2021

Booliiska magaalada Dhahar ee gobalka Haylaan, Puntland ayaa ku eedeeyey kooxdii soo abaabushay mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalada inuu qorshahooda ahaa weerarka lala beegsado saldhiga Booliiska ee magaalada.

Ciidamada Booliiska ee magaalada Dhahar ayaa rasaas cirka u riday shalay kadib markii shacabka banaanbaxayey ay dhagaxaan ku tuureen Saldhiga Booliiska.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in rag hubeysan oo shacabka ku dhexjiray ay doonayeen in ay weeraraan Saldhiga magaalada oo ujeedkoodu ahaa iskudhac dhiig ku daato.

Mudaharaadkan oo ay dhigayeen dad lagu qiyaasay 70 qof oo u badan haween & caruur ayaa waxaa soo qabanqaabiyey taageerayaasha Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana loo ogolaaday inay socod ku maraan magaalada gudaheeda iyagoo weliba taayaro ku gubay qeybo kamid ah wadooyinka magaalada, sida ay Booliiska sheegeen.

Balse mudaharaadkan ayaa soodhamaaday kadib markii dadka banaanbaxyey ay isku dayeen inay gudaha u galaan Saldhiga/Xabsiga Booliiska, askartuna rideen rasaas digniin ah. Ma jirin cid wax ku noqotay shaqaaqadan.

Ciidamada Saldhigyada iyo Xabsiyada Puntland ayaa heegan ku jiray tan iyo weerarkii lagu qaaday Xabsiga magaalada Bosaaso horaantii bishan.

Muuqaalada Mudaharaadka

Sida ka muuqata muuqaalada lagu baahiyey baraha Bulshada, waxaa la arkayey rag ku libisan dharka shacabka oo hubeysan oo horboodayey shacabka, iyagoo shacabka ugu  baaqayey in mudaharaadka la gaarsiiyo barxadda Dhahar oo ah halka Saldhiga ku yaal.

Muuqaaladan ayaa sidoo kale laga maqlayey caruur ku dhawaaqeyso “…Hala is xabadeeyo…” kahor inta aysan ciidamada xabada ridin!

Odayaasha magaalada oo ay kadis ku noqotay arrintan ayaa ku guuleystay inay kala dhexgalaan dadkii doonayey inay saldhiga galaan iyo Askarta Booliiska.

Sidoo kale Taliyaha Booliiska Dhahar ayaa ciidamadiisa ku amray inay ku ekaadaan saldhigooda, iyagoo aan dabagal ku sameyn ragga hubeysanaa ee ku dhexjiray shacabka.

War xalay kasoo baxay Dowlada Federaalka ee wakhtigeedu dhamaaday ayaa lagu sheegay inay Villa Somalia cambaareenayso ciidamada Dhahar iyo Dowlada Puntland.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mxaa ilmaha loo adegsadaa bananbaxa. Mesha ilmo yar yar ayaa kumoqdo. Waa qatar weye. Shekada puntland ayaa laga yaqaan. Growe ayaa hada kahor ku arkayey. Hala mamnuco in ilmo yar yar lakeeno bananbax laysku xabadaynkaro. Waxaa bananbxa quf fahansan waxa laga banan baxayo, lakiin waa lmahaas waxba ka ma uga. So please hala jujiyo ilmaha la isticmalayo banan baxa.