Beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowlada xubnaha ka ah Federaalka oo lagu wado in ay kulmaan

Published: March 25, 2021

Shir u dhaxeeya madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in uu galabta ka furmo Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aade Cadde.


Soojedinta shirka ayaa ka timid xubnaha beesha Caalamka waxaana sida ilo xog ogaaal ah ay sheegayaan lagu gorfeyn doonaa sidii xal maangal ah loogu raadin lahaa khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.


Wakiilada beesha Caalamka ayaa shalay soo saaray warsaxafaadeed kale oo ay ku sheegeen in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedka hay’adihii xilku ka dhamaaday.

Shirkan ayaa gaar u noqon doona xubnaha ka socda Beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada shanta ah ee Puntland ,Jubaland,Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed waxaana ilgaar ah ku haya madaxda wakhtigu ka dhamaaday ee Federaalka oo dibadjoog ka ah.

Dhinaca kalena waxaa saaka tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray xerada Afisyooni ee la filayo in uu shirka ka furmo iyadoo qaar kamid ah hoobiyayaasha ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad rayid ah lana soo warinayo inuu geystay khasaare nafeed iyo burbur dhismayaal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *