Karaash Oo U Ambabaxay Imaaraadka

Published: March 25, 2021

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ayaa safar ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir kasii sagootiyey xubno wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Lama oga ujeedka safarka Axmed Karaash uu ku aaday Imaaraadka, iyadoo uu Garoowe ka maqan yahay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *