Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka

Published: March 25, 2021

Shirkii lagu waday in xerada Afisyooni ay ku yeeshaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo xubno ka socda Beesha caalamka ayaa baaqday gelinkii dambe ee maanta oo lagu balansanaa in uu qabsoomo

Inkastoo aan la ogeyn sababaha ka dambeeya baaqashada shirka hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in arimo farsamo awgeed uu dib ugu dhacay xiligii loo balansanaa.

Warar ay heshay HM ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay caawa qabsoomidda shirka ,Madaxda muddo xiloodkoodu dhamaaday ee Federaalka ayaa siweyn uga soo horjeeda shirkan maadam aysan qeybka aheyn.

Wasiirka arimaha gudaha ,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa baaqashada shirka ku eedeeyay in ay ka dambeyso dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya isagoo tilmaamay in maamulada Galmudug ,Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ka baajisay in ay ka qeybgalaan shirka.

Dhinaca kalena Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ahna agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jaamac Yuusuf (Dabaraani) oo isna ka hadlay dib u dhaca ku yimid shirka ayaa xusay in dowladda Federaalka ay carqaladeynayso qabsoomida waxkasta oo xal loogu raadinayo arimaha taagan.

Shirka u dhaxeeya xubnaha beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa looga wada xaajoon lahaa khilaafka hareeyay arimaha doorashada waxaase la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu furmayo shirkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *