Xukuumada Soomaaliya oo Cambaareysay shaqaaqo ka dhacday Dhahar

Published: March 25, 2021

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay fal ka dhacay magaalada Dhahar kaasoo ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen dad banaanbax ka dhigay magaaladaasi.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka.

Dowlada ayaa tilmaamtay in aan la aqbali karin fal kasta oo waxyeellaynaya dad Rayid ah oo aan wax hub ah wadan iyadoona ku baaqday ilaalinta nabadda iyo xasiloonida.

“Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *