Abiy: Eritrea way ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo Tigray!

Published: March 26, 2021

Qoraal maanta oo Jimce ah kasoo baxay Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ee ku sugan ismaamulka Tigray ay halkaasi ka bixi doonaan.

Abiy Ahmed oo cadaadis xoogan kala kulmayey Beesha Caalamka ayaa booqasho deg deg ah Khamiistii shalay ku tagay dalka Eritrea si uu kulan gaar ah ulla yeesho hogaamiyaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Hogaamiyaha Itoobiya ayaa la sheegay in safarkiisa qaadan doono labo maalmood.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu markii ugu horeysay qirtay Raysalwasaaraha Itoobiya in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobalka Tigrayga oo ay ciidamadiisa iyo kuwa Eritrea duulaanka ku qaadeen dhamaadkii sanadkii hore.

Waxaanse weli la shaacin tiradda rasmiga ah ee ciidamada Eritrea ka jooga Tigray, iyadoo hay’adaha caalamiga ah iyo wadamada awooda kuleh Beesha Caalamka ku eedeeyeen ciidamadaasi ka amar qaata Isaias Afwerki inay xasuuq, kufsi iyo dhac ka wadaan magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka Tigray.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *