Boqolaal Maraakiib ah oo ku xaniban Kanaalka Suweys oo xirmay

Published: March 26, 2021

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay qaadan doonto maalmo ama Asbuucyo in dib loo furo Kanaalka Suweys oo uu ku xirmay Markab weyn oo konteenaro sida.

Markabkan oo lagu magacaabo Ever Given ayaa qabsaday ciida bartamaha kanaalka oo ay isticmaalaan maraakiibta xaamulka u kala qaada caalamka oo dhan.

In ka badan 100 Markab ayaa hada ku xaniban Kanaalka arrintan oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato suuqayada Caalamka.

Hawsha lagu furayo Kanaalka ayaa socota iyadoo aan weli lagu guuleysan in markabka Kanaalka xiray halkaasi laga jiido.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *