Keli-talis-dhis – “Making a Dictator” mise qaran-dhis – “Nation building”????

Published: March 27, 2021

Xaashi Yasin Cisman

hashiyosman@hotmail.com

Somali Thinker. Ardent advocate for the rescuing, reviving and rebuilding of Somalia.

Arar:

Waa qoraal isugu jira baaq, tusaalayn iyo dhambaal ku socda Villa Soomaaliya.

*******************

Waxaa in ka badan soddon sano, laga sugayay siyaasiyiinta iyo madaxdii kala dambaysay, inay ku dhaqaaqaan sidii dalkeenna burbursan ay u samatabixin lahaayeen.

Nasiib darrose, waxay ka badin waayaeen, amaba ay ku qanceen “qabashada doorashooyinka afartii sanaba marka ah”

Kaaga sii darane, kuwa hadda jooga Villa Soomaaliya oo laga filayay ‘Dawlad-dhis & qaran-dhis – State building & Nation building), ayay la noqotay oo istuseen, keddibna go’aansadeen arrin aan laga filayn oo halisteed leh. Arrintaas oo ah “keli-talis-dhis – Making aDictator”.

Madax aan iridda Villada hor istaagi karin, haddana ku hamminaysa inay dhammaan dalkoo idil gacanta ku dhigaan, iyagoo adeegsanaya lacago iyo caqliyadda Rooxaanta (i.e. beelaha).

Arrintaani weli wax ka qabasho iyo ka hortag bay leedahay.

Waxaan dhowaan idinla wadaagi doonaa qoraal 18 bog ah oo uu qoray Allaha u naxariistee

Dr. Maxamed Siciid Samantar oo ku magac dheeraa “Gacaliye”.

Qoraalka oo cinwaankiisu yahay “OPEN LETTER TO A DICTATOR” wuxuu qoray 3dii Juun 1983kii keddibna u diray madaxweynihii dawladdii kacaanka, Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Villa Soomaaliya waxay ku shaqaynaysaa arrin dhalanteed ah oo la mid ah amaba ka daran tii ninkii la oran jiray Don Quixote of La Mancha uu kula diriray Windmills-ka, isagoo u haysta inay yihiin ciidammo cadow ah.(buuggii caanka ahaa ee Miguel de Cervantes)

Halkii ay maamul-goboleeyada xasilloon, sida Puntland, u arki lahayd kuwa leh ismaamul, kala dambayn, nidaam iyo ISIMMO soo jireen ah oo laga tusaale qaadan karo, bay waxay Villa Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa  CBB, MBB, Wakiilada Ahluqubuurta & Waayeelka xuurtaysan (ex. Ubaxii Kacaanka), goosatay inay lacago iyo Rooxaan ku burburiso. Taasina, waxaan filayaa inaysan u hirgeli doonin oo Soomaalidu waxay tiraahdaa “Mar i dage Allaha dago …..”

Soomaalidu beri horay isku soo rafteen oo dirireen, welina ma garnaqsan mana heshiin, weyna kala aamin baxeen. Dad aan heshiin ahaynna, dawlad dalkoo idil ka wada talisa ma yeelan karaan, kumana heshiin karaan.

Si aan dagaal dambe u dhicin, waxaa laysku wada qanciyay doorashooyinkaan baas. Taasna macnaheedu maahan in la yeeshay dawlad dalkoo idil ka talisa. Waxaan si dadban u noqonnay Maxmiyad ay leedahay beesha caalamku (UN protectorate) oo xarunteedu tahay XALANE.

Waxaan madaxda Villa Soomaaliya kula dardaarmayaa, inay ka waantoobaan afkaarta gurracan iyo siyaasadda dhalanteedka ah oo ay u soo jeensadaan ku dhaqaaqidda iyo wax ka qabashada, amaba sii bilaabidda arrimahaan:

Soo celinta isku dhegganaanta bulsho (social cohesion) ee Soomaalida

  • Gogol-qarameed loo dhigo Soomaaloo idil (National Reconciliation)
  • Soo celinta xasilloonida (stability), amniga (security) iyo nabadda (peace) dalka
  • Samaynta ciidan qaran (National Army)
  • Sharciga wax lugu xukumo (rule of the law)
  • Hub ka dhigista rooxaanta oo idil (disarming the clans)
  • Dib u dhiska kaabadaha qaranka (infrastructure)
  • Iyo, iyo, iyo, iyo, iyo

Xaashi Yaasiin Cismaan

Switzerland

hashiyosman@hotmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Great advice

    Lkn hadalkaas ma yeelayaan.

    Waa qariska tuur

    Lagu helaa kagu waayaa ayuu aaminay.dariiqii Aabe Siyaad ayuu ku socdaa

  2. Iyo dowlad tacbaana oo argagixiso u badan tahy hadhowna raba iney la waregan dalka dhan sidii ay isku dayeen 90kii . Waxa moodaa inaan lagu baraarugsaneyn arrinkaas.