Deni Iyo Madoobe Oo La Shiray Beesha Caalamka

Published: March 30, 2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa la kulmay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan doorashada, iyadoo dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha doorashada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya kadib markii wakiilada beesha caalamka ay madaxtooyada Soomaaliya kula soo kulmeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *