Laftagareen iyo Mursal oo kawada hadlay khilaafka doorashada

Published: March 30, 2021

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa hargaysa ee magaalada Muqdisho Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiye Mursal ayaa kawada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.

Kulanka waxaa labadan masuul ku wehlinayay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Koonfurgalbeed.

Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dhamaan madaxda dowlad goboleedyada waxaa ka soconaya kulamo looga arinsanayo khilaafka hareeyay arimaha doorashooyinka oo aan wali xal laga gaarin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *