Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ansixinaysa Buugaag Waxbarasho

Published: March 30, 2021

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo gaba gabeyso ka talabixinta Buugaag Waxbarasho oo loogu talagalay ardayda wax kabarata dugsiyada fasalada hoose ee Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in wasaaradu ay soo gaba gabeynayso kulan talo bixin ah oo ay shalay isugu yeertay, khubaro, macallimiin, maamulayaal, waalidiin, Hay’adaha la shaqeeya waxbarashada, iyo qorayaasha qoray buugta dugsiyada hoose kaasoo lagu ansixinayo daabicidda buugaagtan.

Ansixinta buugaagtan ayaa lagu wadaa in ay soo idlaato maanta iyadoona ansixinta iyo talo bixinta kadib ay wasaaraddu daabici doonto buugaagta loona qaybin doono goobaha waxbarashada gaar ahaan Dugsiyada hoose ee Puntland.

Wasaaradda ayaa xustay in sannad-dugsiyeedka dambe ay ardayda wax ka barta dugsiyada fasalada 1 ilaa 4-aad ay adeegsan doonaan buugaagtan oo ku baxaya luuqadaha English ,Soomaali iyo Carabi.

Ugu dambeyntii Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa sheegtay in qorsheheedu yahay in la bilaabo qorista buugaagta dugsiga dhexe ee fasallada 5aad illaa 8aad, oo iyaguna mari doona hababkii kala duwanaa ee ay mareen diyaarinta iyo qorista buugaagta dugsiyada hoose ee fasalka koowaad illaa afaraad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *