Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Xubno Ka Tirsan Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha

Published: March 31, 2021

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ku kulmay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, ansixiyey laba xubnood oo kamid noqonaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeenka ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 139 Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, kuwaasi oo kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

136 Xildhibaan ayaa ogolaaday labada xubnood inay ka mid noqdaan Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, waxaana diiday saddex Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa maanta warbixin la xiriirta cudurka Covid 19 ka dhagaystay wasiirka caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Ajanadaha kulanka Xildhibaanada ayaa ahaa cudurka halista ah ee COVID-19, u codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo u codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka.

Waxaa xusid mudan inay maanta ka maqnaayeen golaha 15kii xildhibaan ee ganaaxa la dul dhigey, kuwaas oo laga celiyay inta aysan soo gaarin xarunta baarlamaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *