Wasiir Fowziya: Shaqaale ka Tirsan wasaaradda Caafimaadka ayaa diiday Talaalka Covid19

Published: March 31, 2021

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in shaqaale ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ay iska diideen in ay qaataan Talaalka Ka hortagga Cudurka safmarka ah ee Covid19.

Wasiirka ayaa xustay in shaqaale aan qaadan talaalka aanay soo xaadiri doonin xafiisyada shaqo ee dowladda ,waxaana ay intaasi sii raacisay hadalkeeda in ay ka wasaarad ahaan xil iska saarayaan qaadashada talaalka.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha caafimaadka ayaa diiday in ay iska tallaalaan Cudurka Covid-19, waan ku khasbaynaa : Waxaan rabnaa inaan dhahno shaqada imaan maayo qofkii aan qaadan talaalka”

Hadalka wasiirka wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya waxa uu imaanaya xili ay jiraan dad walaac ka muujinaya qaadashada Talaalka Covid19 sababo la xiriira tuhun ay ka qaba saameynta uu u geysanayo caafimaadka jirkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *