Ethiopia: Maleeshiyaad Oromo ah oo dilay in ka badan 30 Amxaaro ah!

Published: April 1, 2021

Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaaraya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xili ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood.

Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka Galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-Gembel  ee Ismaamulka Oromada.

Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xili aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *