Madaxweyne Deni Iyo Safiirka Sweden Oo Ka Wada Hadlay Doorashada

Published: April 1, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya danjire Staffan Tillander.

Kulanka labada mas’uul oo qaatay saacado ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka dhex taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada qaar.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo la tashi iyo xog-waraysi ah la qaadanaya madaxda kala duwan ee ku sugan Muqdisho, sida madaxdii hore ee dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *