Sareeyo Guuto Odawaa Yusuf Raagge oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Published: April 1, 2021

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM).

Sareeyo Guuto Odawaa yuusuf Raagge ayaa kala hadlay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.

Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *