Beesha Caalamka oo ku guuleystey in Shirka Doorashadu furmo Sabtida

Published: April 2, 2021

Dedaal dheeraad ah oo socdey labadii todobaad ee ugu danbeysey oo ay garwadeen ka ahayd wakiilada beesha caalamku ayey ku guuleysteen in ay shirka isugu wada yimaadaan dhamaan Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee xilku ka dhamaadey si looga heshiiyo hirgelinta heshiiskii 17 Sebtember.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisu xaqiijiyey qabsoomida shirka waxaana ay soo saareen bayaan lagu sheegayo in shirku furmaayo maalinta Sabtida ee 3 Abril.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Dhabancad ayaa uga mahadceliyey dedaalka beesha caalamka isla markaana ay ka qaybgalayaan shirka Sabtida.

Shirka Sabtida ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid hor dhac ah oo looga heshiinaayo ajandaha shirka weyn ee lagu soo afjarayo kala aragti duwanaanshaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *