Gudiyo Farsamo oo ka socda Madaxda oo hada shir ku leh Teendhada Afisyooni

Published: April 2, 2021

Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sida aan xogo ku helayno shirka ayaa looga arinsanayaa habka loo sugayo amaanka shirweynaha Beri ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Muddo todobaadyo ah oo ay Muqdisho kuwada sugnaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka waxaa guuldareystay shirka arimaha doorashooyinka ee lagu soo afjari lahaa caqabadaha iyo khilaafka jira, Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hormuud u yahay James Swan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beri isla markaana ku casuumay madaxda shirkan.

Gudiyadan Farsamo ee hada ku shiraya Teendhada Afisyooni ayaa la filayaa in ay isla meel dhigaan qaabka uu u dhacayo shirka iyadoo xoogga la saarayo amaanka.

Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa sugaya Amaanka shirka beri ka furmaya teendhada Afisyooni ,dhankooda ciidamada sugaya amaanka Madaxda ayaana lagu wadaa in loo asteeyo goobo gaar ah sida ilo wareedyo ay tibaaxayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *