Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Dablay Hubaysan Oo Sarkaal Ciidan Ku Dishay Gaalkacyo

Published: April 2, 2021

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dabley habeen kahor magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka dambi baarista Puntland, kaasi oo ay dileen koox bistoolado ku hubeysan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ay gacanta ku dhigeen dableydii dilka ka dambeyay, kuwaasi oo uu sheegay in ay cadaaladda Mari doonaan.

Habeen ka hor ayay ahayd markii Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cumar Maxamed Samatar oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dambi baarista Maamulkaasi Puntland, waxaana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *