Badbaado Qaran: ” Farmaajo wuu ka gaabiyey isla markaana dayacay ciidanka ku sugan jiidda hore “

Published: April 3, 2021

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyey talabaadii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya isaga caabiyeen weerarkii kooxda argagaxisada Alshabaab kusoo qaadeen deegaanada Aw-dheegle iyo Bariirre.

War qoraal oo kasoo baxay madasha badbaado qaran ayaa bogaadin kadib loogu tacsiyeeyey qoysaska ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidamada xoogga ee ku dhintay weerarkaasi.

Madasha ayaa ku eedeysay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka gaabiyey isla markaana dayacay ciidanka ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Waxay sheegtay madashu inuu Farmaajo ciidankii usoo daad gureeyey Muqdisho si uu ugu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, halka agabkii ciidankana la geeyey gobolka Gedo, si uu ugu huriyo dagaal.

Ugu dambayn madasha badbaado qaran ayaa ku baaqday in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, gurmad xoojin ahna loo diro ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray ee shabeellada hoose iyo fariisimaha kale u dayacmi kara argagaxisada.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *