Booliiska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay rag dhac ka geystay Boosaaso

Published: April 3, 2021

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo dhac u geystay gaari nooca Takaasida loo yaqaan oo kamid ahaa gaadiidka ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada Booliiska ka fuliyeen Togga Garas oo banaan ka ah magaalada Boosaaso ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan gaariga la dhacay oo noociisu yahay Probox, NO1482 iyo labo kamid ah ragga ku eedeysan falkan dhaca ah kuwaasoo hada ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska.

Gaarigan oo uu lahaa wiil dhalinyaro ah ayay dhaawac u geysteen ragga falka geystay xiligii ay kuguda jireen dhaca intaas kadibna ay ula baxsadeen meel banaan ka ah magaalada Boosaaso sida uu sheegay G/sare Xuseen Cali Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay shacabka iyo waxgaradka magaalada Boosaaso oo uu tilmaamay in ay ciidamada kala shaqeeyeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggan burcadda ah ee dhaca ka geystay gudaha magaalada Boosaaso.

Goobta lagu soo bandhigay Gaariga la dhacay ayaa waxaa ku sugnaa ehelada wiilka dhalinyarada ah ee ee taliska Booliisku ay sheegeen in gaariga laga dhacay.

Dhaca gaadiidka ayaa noqonaysa arin ugub ku ah magaalada Boosaaso ,ciidamada booliiska Gobolka Bari ayaana wacad ku maray in ay la dagaalami doonan cidkasta oo iskudayda dhaca hantida dadka rayidka ah

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *