Cutubyo Kamid Noqonaya Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Tababar Loosoo Xiray

Published: April 3, 2021

Xerada Abqaale ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug waxaa maanta tababar loogu soo xiray dufcaddii ugu horraysay cutubyo kamid noqonaya Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland.

Ciidamadan oo noqonaya cutubyadii ugu horeeyay ee tababar ku qaata xerada Abqaale ayaa waxaa loogu magacdaray guutada Gama’diid.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka Maaliyadda ahna guddoomiyaha guddiga dibu-habaynta Ciidamada ,Wasiirka Amniga iyo Talliyaha Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidamadan.

Xukuumadda Puntland ayaa horey u sheegtay in ay ka go’an tahay dib u dhiska iyo dib u habaynta ciidamadda dowladda,isla markaana ay mar kasta ahmiyad wayn siinayso bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidamadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *