Puntland: “Hadalkii kasoo yeeray Wasiir Oomaar Waa weerar ka dhan ah Garoomada Diyaaradaha

Published: April 3, 2021

Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada Puntland ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar kaasoo uu ku sheegay in sababo amni darro darteed ay u joojiyeen diyaar u safri lahayd deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf oo ka jawaabay hadalka wasiir Oomaar ayaa weerar sumcad dil ah oo ka dhan ah badqabka diyaaradaha rayidka ee ka howlgala garoomada Puntland ku tilmaamay hadalka kaso yeeray Wasiirkan isagoona ka dalbaday in uu keeno cadeyn rasmi ah.

“Waxa aan ka sugaynaa Wasiir Oomaar inuu caddayn rasmi ah ka keeno amni darrada uu ka faafiyey Garoomada Puntland, haddii kale waxaan u arkaynaa shiddo abuur iyo dhagar hor leh oo weerar ku ah sumcadda iyo badqabka diyaaradaha rayidka ah ee ka hawl-gala Garoomada Puntland“.

CISMAAN CALI YUSUF

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay markasta u taagan tahay ilaalinta iyo tayaynta garoomada Diyaaradaha ee ku yaala deegaanada kala duwan ee Puntland.

Dawladda Puntland oo kaashanaysa shacabkeedu waxay markasta u taagan tahay tayeynta garoomadda Puntland, si Aviation uu isku filnaansho u gaaro“.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore arimo siyaasadeed u adeegsatay duulimaadyada dalka iyo maamulida diyaaradaha isticmaalaya Hawada taasoo ay dad badan ku tilmaameen dano siyaasadeed iyo ku takri fal awoodaha dalka soo kabanaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *