Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Qarax Is-miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Published: April 3, 2021

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Gobolka.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas dhacay uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qaraxiyay Maqaayad lagu qaxeeyo oo ku taala xaafadda sadexdaa geed gaar ahaan meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhashay Qaraxaas Caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo qaaday dhaawacyo.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani. Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay” 

Taliska Ciidanka Booliska

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *