Weerar ku bilowday Qaraxyo oo Alshabaab ay ku qaadeen Awdheegle iyo Bariire

Published: April 3, 2021

Alshabaab ayaa saaka waaberigii weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday saldhigyo ay ciidanka Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

gawaari ay ku buuxaan Qaraxyo ayaa gudaha u galay saldhigga iyadoo intaasi kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamadda xoogga dalka Iyo xooggaga Alshabaab.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan inkastoo aan si rasmi ah loo helin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Alshabaab ay ku qaadeen Saldhigyada ciidanka ee Bariire.

Dhinaca kalena Alshabaab ayaa weerar dagaal toos ah ku qaaday deegaanka Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Muuqaalo iyo Sawiro lagu baahiyay baraha ay ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin facebook ayaa lagu arkay Sawiro iyo muuqaalo Meydad iyo dhaawacyo la sheegay in yihiin kooxdii weerarka soo qaaday ee Alshabaab.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay in banaabka deegaanka jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxihii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Saldhigyada Bariire iyo Awdheegle.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markasta kafeejigan dhagarta cadawga waxeey hortageen weeraro maleeshiyaadka
Al-Shabaab isku dayeen inay kusoo qaadAan degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka shabeelaha hoose gaadiid waxyaabaha qarxa ay kasoo Buuxiyeen ayay Ciidanka xoogga kaga hortageen magaalooyinka banaankooda Al-Shabaab waxaa halkaasi lagu gaarsiiyay qasaare xoogan meeydad badan ayay ka carareen”

Alshabaab oo dhankooda ka hadlay weerarka ayaa sheegay in askar badan ay ku dileen dagaal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanadan.

Bartamihii sanadka 2019 ayaa ciidamada Gorgor ay Alshabaab kala wareegeen gacan ku haynta Deegaanada Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ka hor xiligaas Alshabaab ay kasoo abaabuli jireen Qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *