Maxaa Ka cusub Shirkii madaxda uga socday Afisyooni?

Published: April 4, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo idlaaday shirkii wadatashi ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada kaasoo maanta ay ahayd maalintii labaad ee uu qabsoomo.

SAWIR HORE

Shirka maanta oo wax badan aan uga duwanayn kii ka horreeyey ee shalay ayaa lasoo warinayaa in madaxda ay isku mari waayeen qodobada qaar oo miiska saarnaa.

Shirkan oo hordhac u ahaa shirweynaha ballaaran oo loo madlanyahay xalna looga gaarayo khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dalka ayaa labada maalmoood ee shalay iyo maanta lagu lafaguray tabashooyinka dhinacyada, iyo habka loo wajahayo qabsoomidda doorashada dalka.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in madaxda ay maanta isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin Awoodaha madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka iyo ka qeybgalka shirka ee Musharixiinta mucaaradka iyo gudoomiyaha Aqalka sare ,qodobadaas oo ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubaland hase ahaatee noqday kuwo adag keenay ismari-Waa.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jamac Yuusuf Dabaraani oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay in loo ballamay in laysugu yimaado shir kale maalinta Talaadada ah ee soo socota taariikhduna tahay 6_April.

Ismari-waaga shirka maanta ayaa imaanaya xilli si weyn loo hadal hayey in natijo la’aan uu iyo aamusnaan uu maalntii labaad shirku qabsoomo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *