Maxay tahay Sababta Qoor-qoor Muqdisho uga tegaayo?

Published: April 4, 2021

Waxaa Muqdisho weli ka socda shir aad xasaasi kaas oo ay ka qaybgalayaan 8 nin oo ka kala socda Dowlad goboleedyada dalka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya, iyo gobolka banaadir, shirkaas oo ah hordhac looga heshiinaayo ajandaha shirka weyn ee lagu soo afmeerayo hirgelinta heshiiskii 17 September.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor) uu shirka weydiistey fasax, kadib markii dagaalo culus ay ka dhaceen qaybo kamid ah Galmudug, dagaaladaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga, wuxuu dalbadey in shirka loo hakiyo hal maalin kuna soo noqonayo maalinta Salaasada ah.

Shirka ayaa hadda loo balamey 6 April si la isugu raaco ajandaha shirka, sida Horseed ogaatey, haddab waxaan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka maanta lagu kala kacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *