PSF: “Waxaan Dilnay Horjoogayaal ka tirsan Daacish – VIDEO

Published: April 5, 2021

Ciidaada Amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaano kamid ah gobolka Bari ay ku dileen horjoogayaal ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Howlgalkan ay Ciidamadu ka fuliyeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa Saraakiisha PSF waxa ay ku sheegeen in ay ku burburiyeen Saldhigyo ay Daacish ku lahayd deegaanadan.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF ayaa lagu yiri:

“Howgal qaatay 48-saac oo ay ciidamada #PSF ku qaadeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada #Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday goobo ay argagixisada Daacish ku sugnaayeen, Howlgalkan oo u dhacay si guul leh ayay ciidamada PSF waxay jab xoog leh ugu geysteen cadowga Daacish ,iyada oo ay ciidamadu ka dileen dhagarqabayaasha Daacish in ka badan 24 xubnood”

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa sidoo kale ay howgalka ku burburiyeen Keydkii Daacish ee Sahayda iyo Saanadda isla markaana ay gubeen gaadiid ku rakibnaa walxo Qarxa kuwaasoo ay tilmaameen in Daacish ay qorsheynaysay Qaraxyadan ay soo geliyaan magaalada Boosaaso.

“Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd; isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen 2 gaari oo ay ku xireen argagaxisada Daacish qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Bosaso si ay ugu waxyeelaan shacabka aan waxba galabsan”

Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa horey howlgalo waxa ay ka fuliyeen deegaanada dhaca Buuraleyda ee ku yaala gobolka Bari kuwaasoo ay ku dagaalameen horjoogayaal ka tirsan Ururada Daacish iyo Alshabaab.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *