Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in Bukaano badan laga helay Covid19

Published: April 5, 2021

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda Cudurka Safmarka ah ee Covid 19 ee dalka.

Warbixinta maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ee wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

Sidoo kale warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *