Xeer Ilaalinta Soomaaliya Oo Xirtay Gal-dacwadeedkii Cabdirashiid Janan

Published: April 5, 2021

Xeer Ilaalinta Guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii amniga Maamul Goboleedka Jubbaland Cabrirashiid janan, kaasi oo  loo heystay dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Dowlada Federalka ayaa hore u sheegtay in Cabdirashiid Janan uu dambiyo waaweyn ka galay dalka sidoo kale waxaa Cabdirashiid Janan oo Madaxweynaha Jubbaland ka qaaday xilka wasiirnimadii Amniga Jubbaland hore ugu eedeysay Amnesty International in uu galay dambiyo dhinaca bani’aadanimada la xiriira.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *