Qoor-qoor Oo Booqday Ciidamada Ku Sugan Jiidda Hore Ee Dagaalka Argagixisada

Published: April 6, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray ciidanka qalabka sida ee ku sugan jiidaha hore ee deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Axmed Qoor-qoor ayaa goobta kula kulmay ciidamada qalabka sida, iyo saraakiishooda, halkaas oo uu madaxweynaha socod dheer kusoo kormeeray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka, isla markaana warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisada oo dhawaan laga xoreeyay deeganadaas.

Safarka ayaa waxaa madaxweynaha Galmudug ku wehliyay wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirigelin isugu jirta u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha cadowga, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *