Raysal Wasaare Rooble Oo Booqday Askartii Ku Dhawaacantay Dagaalkii Bariire & Awdheegle

Published: April 6, 2021

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta ciidanka xoogga dalka ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka Bariire iyo Awdheegle iyagoo difaacaya dalka iyo dadka.

Raysal Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab, waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya u heellan tahay daryeelkooda.

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca qaranka ayaa Raysal Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *