Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeeray Xarumaha Xiriirka Dadweynaha Ee La Tacaalidda COVID19

Published: April 6, 2021

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarumaha Xiriirka Dadweynaha 449 oo ka shaqeeya isku xirka shacabka, goobaha  caafimaadka iyo Guddiga Naf-badbaadi ee ku howlgala xarummaha dowladdu ay u qorsheysay la tacaalidda Covid19.

Raysal Wasaare Rooble ayaa boggaadiyay dhallinyarada ka howlgasha xarunta sida adeg ay ugu shaqeynayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, xiligaan uu dhibaatada xoogga leh ku hayo dalka xanuunka Covid19.

“Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabadho ayaa ka howlgala xaruntan waxay u taagan yihiin 24ka saac sidii ay ummadda Soomaaliyeed ugu caawin lahaayeen talooyinka ay u baahan yihiin, waana uga mahadcelinaynaa kaalintaas ay buuxiyeen”.

Raysal Wasaare Roobe

Dhalinyarada ka howlgasha xarunta Xiriirka Dadweynaha Covid19 ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey howlaha ay qabtaan, waxa ayna tilmaameen in wicitaannada ugu badan ay ka yimaadaan gobollada dalka, halka ay Caasimadda soo yaaranayaan, halka uu guddiga nafbadbaadi, usoo gudbiyeen howlaha u qabsoomay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *