Soomaaliya: Kiisaskii Ugu Dambeeyey COVID-19

Published: April 6, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 70 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 11,978 kiis.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 39 qof, Puntland 17 qof, Jubaland 7 qof, Muqdisho 5 qof iyo Koonfur Galbeed 2 qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay cudur ka bogsadeen 41 qof taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaysa 5,058.

Bukaannada cusub 47 waa rag. 23-na waa dumar, Waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 8 qof, mid kamid ah joogo Muqdisho, 7da kalena Somaliland, waxaana ay gaartay dhimashada guud 576.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *