Arday Quraanka Iyo Tafsiirka Bartay Oo Ka Qalinjabiyey Madarasada DAARUL QUR’AAN

Published: April 7, 2021

Munaasabad ay ku qalin badalanayeen 38 arday oo bartay kitaabka quraanka kariimka iyo kutubyo kale ayaa maanta ka ka dhacday dusgiga Daarul Qur’aan ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Maamulaha guud ee dugsiga Daarul Quraan, Cabdiqaadir Barkhadle oo ka warbixiyey warbarashada uu dugsigu bixiyo ayaa sheegay inay u qaybsanto Madaraso quraan, Iskuul iyo qayb farbaris.

” Waxay ka kooban tahay madarasadu shan farac oo ku kala yaalla xaafadaha magaalada Garoowe, madarasada waxaa hadda dhigata oo ardada imtixaankii ugu dambeeyey gashay kun iyo lix boqol iyo todobaatan iyo siddeed arday (1,678) “

Maamule Cabdiqaadir Barkhadle

Macalin Cabdikariim oo ku hadlayey magaca waalidiinta madarasada Daarul Qur’aan ayaa kula dardaarmay waalidiinta in wax waqti iyo dadaal lagu bixiyo ugu khayr badan ama ugu qaalisan kitaabka ilaahay.

Xildhibaan Cabdilaahi Siciid oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo munaasabada soo xiray ayaa dhankiisa bogaadiyey macalimiinta Daarul Qur’aan oo soo saaraya jiilasha kala duwan ee baranaya diinta Islaamka.

Ugu dambayn ardaydii qalinjinaysay ayaa soo bandhigay akhrinta qur’aanka kariimka iyo tafsiirka, iyagoona kadib la gudoonsiyey shahaadooyinkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *