Wadahadalka Maraykanka iyo Iran uga furmay Vienna

Published: April 7, 2021

Dowladaha Maraykanka iyo Iran ayaa soo dhaweeyey wadahadalkii ugu horeeyey oo la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii burburay ee Barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi ka socda Xukuumada cusub ee Maraykanka ka qeyb qaataan wadahadaladan walow labada dhinac aysan weli si fool ka fool ah isu horfadhiisan.

Labada wafdi ee Maraykanka iyo Iran oo kuwada sugan hotel ku yaal magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria ayaa waxaa u kala dab-qaadaya ama dhex dhexaadinaya wafuuda ka socda Beesha Caalamka gaar ahaan EU-da iyo dalalka UK, Germany, France, China & Russia.

Heshiiskii la saxiixay sanadkii 2015 ee xakameynta Barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaa waxaa burburiyey xukuumadii hore ee Maraykanka ee Donal Trump sanadkii 2018. Xukuumadaasi oo cunaqabateyn horleh kusoo rogtay Tehran.

Iran ayaa sheegtay inaysan wadahadalka furi doonin illaa la qaadayo dhamaan cunaqabateynta la saaray wadankooda, halka Maraykanka qaadista cunaqabateynta ku xiray in marka hore Iran dib ugu soo noqoto oo dhaqangeliso heshiiskii 2015.

Dadaalka lagu dhexdhexaadinayo Maraykanka iyo Iran ayaa waxaa taageersan inta badan Beesha Caalamka, walow ay kasoo horjeedaan dowladaha Sacuudiga, Imaaraatiga, Israel iyo Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment