Warqad Furan oo ku socota Madaxda Siyaasadda Soomaaliyeed “Nabadgelyada Amniga iyo Dorashada”

Xubnaha Lataliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka (NEA) ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan yihiin ismariwaaga hannaanka doorashada ee 2021 iyo cawaaaqibta ka dhalan karta. Lataliyayaasha Dhaqaalaha Qaranku waxa ay qayb ka yihiin Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la yagleelay bartamihii 2018, waxayna ka kooban yihiin Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Wasiirrada Arrimaha Dhaqaalaha, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Federaalka, iyo siddeed (8) Lataliye Dhaqaale oo hadda jooga (kuwaasi oo isugu jira khubarro Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah). Ujeeddada ugu muhiimsan ee Golaha Dhaqaalaha Qaranku waa sidii sare loogu qaadilahaa isla markaana loo kobcin laha dhaqaale waara iyo horumar loo dhan yahay; hadafkaas waxaa keliya la gaari karo marka la sugo nabadda, amniga iyo xasiloonida dalka.

Siyaasada murugsan ee Soomaaliya ma saamaynayso kaliye shaqada Golaha Dhaqaalaha Qaranka, laakin waxa ay halis weyna ku tahey sumcadda dalkeenna ee jiilasha soo socda. Horumarka kooban ee laga sameeyay dhaqaalaha ee tartiibta adag lagu gaaray sannadihii la soo dhaafay ayaa meesha ka baxaya.  Sidoo kale, caqabadaha horyaala qarankuna waxay noqon doonaan kuwa aan la xakamayn karin hadaan dib ugu noqono taariikhdii xumayd ee dhawaan ina soo martay oo ku suntanayd  canuga yar oo ku dhagan Wadan Fashilmay, Waxa halista ku jirana waa wax walba ”

Maanta, Soomaaliya waxa ay taagan tahay “isgoys halis ah”, waxaana la kala dooranayaa in la sii ambaqaado geeddi-socodka nabadda, amniga, xasiloonida iyo horumarka; ama in la qaado dhabbada khatarta, mugdiga iyo kala-tagga. Dalkeennu waxa uu keliya waddada dheer ee mugdigu hareeyay kaga bixi karaa, dhanka iftiinkana u jihaysan karaa marka ahmiyadda koowaad la siiyo danaha qaranka isla markaana meel la iska dhigo muranka iyo khilaafka aan micnaha ku fadhiyin.

Marka aan dib u milicsanno taariikhdeenna, hoggaamiyayaasha siyaasadda qaranka iyo guud ahaan bulshadu waxa ay xasuusan karaan fawdadii iyo burburkii ka dhashay dhicitaankii dowladdii dhexe, iyo geeddigii dheeraa ee loo soo maray in laga guuro dowlad la’aan loona guuro nidaamka federaalka hadda ee aan weli dhammaystirmin, kaasi oo looga gon lahaa in lagu dheellitiro awooda dawlada dhexe iyo tan gobolada oo la raacayo hannaan dowladeed oo ay awooddu qaybsan tahay isla markaana iskaashi ku dhisan. Dadaalada loogu jiro, dib u yegleelida dawladnimada waxa ujeedkeedu ahaa in loo daadajiyo awooda iyo maamulka gobolada iyo degmooyinka, iyo in la xoojiyo bixinta adeegyada dowladeed. Lataliyayaasha Dhaqaalaha Qaranku waxa ay walaac ka qabaan in xasilooni darrada siyaasadeed oo sii jiitanta ay wax u dhimi doonto nidaamkii tabarta yaraa ee ku dhisanaa federaalka. Xaaladdan oo kale waxa ay soo dedejinaysaa halista xasilooni darrada iyo kala-tagga dalka iyada oo sidoo kalena god ku ridaysa himilada ah in la helo nabad iyo barwaaqo.

Heshiis la’aanta cakiran ee u dhexaysa laf-dhabarta Golaha Dhaqaalaha Qaranka (FGS and FMS) waxa uu saamaynaya nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed iyo wax-ku-oolnimada shaqadeenna oo ku aaddan: hufnaanta maaliyadeed, hannaanka dakhliga federaal ee iskaashiga ku dhisan, iskaashiga heer gobol, iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sidaasi awgeed, waxa aan hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay si deg-deg uga gudbaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo danaha shakhsiga, maadaama nabadda iyo barwaaqada lagu gaari karo  wada-xaajood, taas oo surtagelin karta doorasho daahfuran isla markaana nabad ah oo gundhiggiisu yahay sanduuqa codaynta.

Horumar la’aanta iyo amni xumadu waxa ay ilaa hadda yihiin cadawga ugu weyn ee waajahaya nabadgelyada Soomaaliya. Intaas waxa dheer in saboolnimadu ay baahsan tahay oo ay saamaysay 70% bulshada Somaliya ku nool.  Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in la helo farsamo kale oo lagu xalliyo arrimaha taagan. Sidoo kale, miradhalka nidaamyada siyaasadeed waxa keliya lagu cabbiri karaa guulaha laga gaaray maamulka, barwaaqada iyo nabadda.  Haddii siyaasaddu ay keeni weydo horumar, waxa lumaya ujeedkii laga lahaa iyo sidoo kale taageerada shacabka oo bixisa sharciyada iyo kalsoonida lagu qabo.  

Xasuusaha ku aaddan dhicitaankii dowladda Soomaaliyeed ee sannadkii 1991 waa inay dhammaanteen ina dareensiiyaan halista ka dhalan karta nabadda iyo xasilooni la’aan. Malaayiiinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku barakacay ama sannadaha badan ku nool xeryaha qaxootiga, iyo kumannaankii ku naf-waayay macaluushii Somalia 2011 ee ugu xumayd adduunka waayahan danbe, iyo weliba middii dhawayd ee 2016 waa casharro ay tahay in lagu cibraqaato. Sidoo kale, amni xumada hadda jirta oo ay sababteeda leeyihiin argagaxisada, malaayiinta ku sugan gobollada abaartu ka jirto ee biyaha baryaya, iyo baaqyada gargaarka joogtada ah ee quudinta dad Soomaaliyeed oo badan waa inay wax ka beddelaan fekerka hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo guud ahaan dalka.   

Ismariwaaga iyo xasiloni darada siyaasadeed ee hadda taagan  waxa ay diiradda ka weecisay isla makraana dib u dhigtay tallaabooyinkii loo baahnaa ee lagula tacaali lahaa arrimaha halista ah ee ka soo cusboonaday dalka iyo garab-siinta bulshada nugul. Xalka siyaasadeed iyo hay’ado dowladeed oo shaqaynaya waxa ay yarayn karaan caqabadaha ku gudboon dakhliga ay dowladdu wax kaga qaban lahayd amniga, iyo Dhibaatooyinka horumarka ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxayna kordinkaraan taageerada beesha caalalmku la garab taagan tahay dhaqaalaha qaranka iyo nolosha dadka.

Heshiis siyaasadeed oo ay gaaraan hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed waxa u noolaynayaa fursadda soo kabashada iyo dardargelinta koboca Dhaqalaha. Sida ku cad xikmaddan soojireenka ah, “siyaasaddu waa fahamka waxa suurtagalka ah”. Waxa la isku raacsan yahay in arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in laxalliyo ay yihiin: qaab-dhismeedka guddiga doorashooyinka; qaab-samaysanka guddiga maamulaya xulitaanka xubnaha Baarlamaanka Somaliland; iyo maaraynta arrinta Gedo. Guddi farsamo oo ay yagleeleen Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa la soo weriyay inay heshiis gaareen, hoggaamiyayaasha siyaasaddana u gudbiyeen tallaabooyinka lagu xallin karo saddexda arrimood ee la isku hayo.

Lataliyayaasha Dhaqaalaha Qaranku waxa ay madaxda Siyaasada Somaliya ku boorrinayaan inay si degdeg ah u xalliyaan dhammaan arrimaha taagan, oo ay ku jiraan qoondada haweenka iyo ka qaybgalka hannaanka ee beelaha la hagraday, inay diiradda saaraan danaha qaran oo keenaysa in la helo doorashooyin daahfuran, taasi oo ah waxa ay doonayaan hoggaamiyayaashu. Sidaas darteed, waxa ugu baaqaynaa dhammaan madaxda in aan nabadda iyo barwaaqada marnaba lagu gaari karayn khilaaf iyo iska-hor-imaad, balse  lagu xaqiijin karo hannaan doorasho oo ku suntan nabadgelyo iyo daahfurnaan.  Wakhtigan adag ee taariikhda dalkeenna, waxa aan u baahannahay midnimo loogu danaynayo jiilasha soo socda iyo taariikhda qormaysa oo xusi doonta hufnaanta madaxda u dhaqanta si masuuliyadi ku dheehan tahay iyo doorka ay ka qaateen xasiloonida dalka, nabadda iyo horumarka.

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
LATALIYEYAASHA DHAQAALAHA
QARANAKA SOOMAALIYA