Biden oo dib u bilaabay deeqdii Falastiin lasiin jiray

Published: April 8, 2021

Xukuumada Maraykanka ayaa shaacisay inay dib u bilaabi doonto deeqdii uu dalkaasi siin jiray Maamulka Falastiin iyo Hay’ada qaabilsan qaxootiga reer Falastiin ee (UNRWA).

Deeqdan dhaqaale oo gaareysa in ka badan 200 milyan ayaa sanadkii 2018 waxa joojiyey Madaxweynihii hore Donald Trump oo isagu si weyn u taageeri jiray maamulka xagjirka ah ee Israel.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dib loo furi doono dhaqaalihii lagu caawin jiray hay’ada UNRWA oo sanad walab ka heli jiray Maraykanka $150 milyan oo dollar.

Maraykanka ayaa sidoo kale dib u bilaabaya taageeradii dhaqaale uu siin jiray maamulka Falastiin ee horumarinta deegaanada ay ka taliyaan ee Daanta Galbeed iyo Gaza, taageeradaasi dhaqaale oo gaareysa in ka badan $75 milyan.

Go’aankan Maraykanka waxaa cambaareeyey Israel oo sheegtay in dhaqaalahaasi si khaldan loo isticmaalo.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *