Horseed Media oo kashiftey xilliga la duubay Muuqaalkii Dubbe.

Published: April 8, 2021

Maalintii shalay waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaadey shirkii dhamaystirka taabo gelinta doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo kulankiisu qaatey Sabti, Axad iyo Arbaco, waxaana uu hakad galay labo maalmood.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda xil-gaarsiineed Cismaan Dubbe ayaa maalintii shalay soo saarey muuqaal uu ku sheegayo in shirku fashilmey, isla markaana eedeeyey Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland kuna tilmaamey in aysan doorasho dooneyn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamey iyaga oo bil u fadhiey Muqdisho xal Soomaaliyeed in warka caynkaas ah Dowladda xilkeedi dhamaadey ka soo yeero, wuxuu sheegay in Muuqaalka Dubbe la duubey mar hore, isaga oo soo xigtey dharka uu shalay shirka ku joogey iyo kan marka muuqaalka la duubey ayba labo kal ahaayeen.

Warbaahinta Horseed Media ayaa iyada oo ka duuleysa arrintaas waxay baaritaan ku samaysey xiliga la duubey Muuqaalka Wasiir Dubbe.

Sida la wada og yahay shirku waxa uu furmey 03 Abril 2021 xerada Afisiyoone, maalintaas wax war ah kama soo bixin waxaana uu u badnaa shirku mid wada hadalka lagu bilaabaayey.

Maalintii ku xigtey ee 04 Abril 2021 ayaa shirka dib loogu soo laabtey gelinkii danbe ee maalintaas, ayaa weriyaasha la shaqeeya Villa Somalia dabaceen in Shirkii burburey oo Madaxweyanayaasha Puntland iyo Jubaland ay shirka ka baxeen kadib markii shuruudahoodi la aqbali waayey, waxaa arintaas beeniyey Madaxtooyada Puntland, waxaana ay sheegeen in shirku dib u bilaaban doono 06 Abril 2021 maalin wadatashi ah la galay taas oo uu codsadey Madaxweynaha Galmudug.

Arrintas ayaa muujineysa in Villa Somalia markii horeba dooneysey in shirku uu burburo, sida ay xogta hoose ugu gudbisey Weriyaasha ku xiran.

Kadib markii Weriyaasha ku xiran Villa Somalia ay baahiyeen warka sheegaya in Shirkii Burburey oo ay ka baxeen labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland, waxaa i soo baxay qoraal kooban oo UNSOM soo saartey laguna dhiirigelinaayo shirku sii socdo, iyada oo maalin kadibna ay soo saareen qoraal wadajir ah oo ay u dhan yihiin dhamaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Cismaan Abokor Dubbe waxa uu gelinkii danbe ee Axadda 04/04/2021 ka qaybgalay shir ka dhacay Hotel Decale ee xayndaabka Xalane, kaas oo lagu dooranaayey Hoggaanka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska, kadib markii uu shirkaas dhamaadey waxa isaga oo aan iska beddelin isla muuqaalkii uu kaga qaybgalay shirkaas sida Suudhka, Shaarka, Qoorxirka, Afxirka iyo koofiyadda Eeshiyaanka uu tegey Xerada Afisiyoone halkaas oo uu ku duubey muuqaalka la siidaayey shalay, marka la tixraaco warka ay faafiyeen weriyaasha sida tooska ah ugu xiran isaga iyo Villa Somalia 04/04/2021 ee ahayd in shirku burbrey, waxaa Dowladda ula muuqatey in dib loo dhigo baahinta muuqaalkaas, taas oo lala sugey maalinta shirku dib u bilowdey, kadib markii Puntland baahisey in shirku wadatashi maalin ah galay.

Dhanka farsamada iyo aqoonta Tiknoolajiyadda Video-kasta waxa uu lee yahay wax loo yaqaan METADATA taas oo sheegta xiliga la duubey, aalada la isticmaaley marka la duubey, waana nidaam ay isticmaalaan khubaradu marka la doonaayo VIDEO lagu sameeyo Analysis, khabiir dhanka IT-da ah ayaa Horseed Media xiriir la samaysey waxaana uu sheegay in aan Fiidyowga lagu samayn wax isbeddel ah (decode) oo ay ku hayaan ANALYSIS, natiijadana la soo bandhigaayo, nidaamkan ayaa ah midka lagula dagaalamo waxa loo yaqaan MISINFORMATION ama MARIN HABAABINTA

Hoos ka daawo Muuqalka 04/04/2021 ee Hotel Decale iyo kii shalay la baahiyey ee isla maalintaas la duubay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waa Nahaab soo shaqo tegen oo xammaalanaya laakiin way ka hoos baxday ceeb tii Dawlad ku sheegay a adduunka ayaa ka warqabo marka kolleey ninkan warqaddiisii Cafiska Harhaysa ayeey u taallaa berri markuu farmaajo ka baxo meesha

  2. DENI difaacistiisa miyaa cinwaan aan caddeymo lahayn u qorteen? Warbaahinta reerka Allah deysto kkkkk