Maraykanka oo ciidamadiisa kala baxaya Ciraaq

Published: April 8, 2021

Dowladaha Maraykanka iyo Ciraaq ayaa si wadajir ah u shaaciyey go’aankan kadib kulamo dhexmaray Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalkaasi.

Labada dhinac ayaa sheegay inay guddiyo u saareen kuwaasi oo ka shaqeyn doona arrimaha farsamo ee ciidamadaasi laga soo saarayo Ciraaq iyo xiliga hawshaasi la dhameystiri doono.

Maraykanka ayaa sheegay inay ciidamada Ciraaq hada yihiin kuwo iskooda ulla dagaalami kara argagagxisada, isla markaana ay sii wadi doonaan dhinaca tababarada iyo la talinta.

Dowlada Ciraaq ayaa sanadkii 2014 ka codsatay Maraykanka inuu gacan kasiiyo la dagaalankii kooxda ISIS oo xiligaasi qabsatay qeybo kamid ah waqooyiga wadankaasi.

Horaantii sanadkan ayuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump go’aansaday inuu dalka Ciraaq ka saaro qeyb kamid ah ciidamadooda, sidoo kale Madaxweynaha cusub Joe Biden ayaa laftiisa horay u balan qaaday inuu soo afjari doono dagaalada aan dhamaadka lahayn ee Maraykanka ku lug lahaa.

Horaantii sanadkii hore 2020 ayuu Baarlamaanka Ciraaq ku baaqay in ciidamada Maraykanka dalka laga saaro kadib markii weerar Drone ah ay Maraykanka ku dileen Jeneraalkii ciidamada Jamhuuriga Iran Suleymaani oo xiligaasi booqasho ku tagay Baqdaad.

Bilihii lasoo dhaafay ayey jireen weeraro duqeyn ah oo ay maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq ee taageerada ka hela Iran la beegsadeen saldhigyada Maraykanka dalkaasi ku leeyahay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *